Tuesday, March 7, 2017

Saxiimado Iran leedahay oo Markab Maraykanku leeyahay ka weeciyey marinkiisii

Markabka USNS Invincible waxa sawirkan laga qaaday 2102, waana ka dhabbihiisii laga weeciyey




Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Markab ciidamada badda Maraykanku leeyihiin oo marayey gacanka Hurmuz, ay qasab ku noqotay in uu ka leexdo dhabbihii uu haystay ka dib markii saxiimadaha dheereeya ee Iran ka hor yimaadeen.
Markabka oo la yidhaa USNS Invincible ayaa dhabbihii uu haystay ka weecday ka dib markii saxiimadahaasi ka hor yimaadeen oo ay u soo jirsadeen 600 Yard (550 M) ka hor intii aanay halkaa ku joogsanin.
Saddex Markab oo kale oo ay leeyihiin ciidanka badda Boqortooyada Ingiriisku oo daba socday Markabkaa ayaa iyagana sidoo kale ay qasab ku noqotay in ay ka weecdaan dhabbihii ay haysteen.
Sarkaal Maraykan ah ayaa u sheegay warfidiyeenka in saxiimado Iran leedahay isku dayeen in ay isku gedaamaan.
Saxiimadahan Iran ee maraakiibta weeciyey ayaa la rumaysanyahay in ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanku.
Sarkaal ka tirsan ciidanka badda Maraykanka oo dalbaday in aan la magac dhebin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) in dhacdooyinka noocan ahi beryahan si joogto ah u dhacayeen. Waxaana ciidanka Maraykanku u arkaa ciidamada wata saxiimadahaasi in ay yihiin kuwo "bilaa tabobar ah oo khatar ah" waxaanu intaa ku daray in ay rasaas digniin ah mar hore oo dhacdadan oo kale dhacday ay ku rideen Markab Maraykanku leeyahay oo gacankaa marayey.

Dhaqaatiirta Cilmu-nafsiga oo sheegay in baraha bulshada ay 'kordhiyeen wehel la'aanta'

Nin keli ah


Baraha bulshada, sida Twitter, Facebook iyo Pinterest waxay sababayaan in dad badan ay dareemaan inay cidlo yihiin, sida ay sheegeen dhaqaatiirta cilmu-nafsiga.
Warbixinta cusub waxaa lagu xusay in isticmaalka baraha bulshada, laba saacadood ka badan maalintii ay laba jibaarto fursadda ah in qofka uu dareemo inuu bulshada ka dhex baxay.
Warbixinta waxaa lagu xusay in ka dhex bixidda dadka ay dhaliso dareen caro iyo hinaaso leh.
Cilmi baarista waxaa sidoo kale lagu eegay dadka isticmaala Instagram, Snapchat iyo Tumblr.
"Weli meynaan garan midka soo hormarayo - isticmaalka baraha bulshada ama aragtida ka fogaanta bulshada," ayey tiri Elizabeth Miller, oo wax ka qortay warbixinta.
"Waxaa suuragal ah in dhallinyarada markastaa dareemo inay cidlo yihiin ay aad u adeegsadaan baraha bulshada. Ama waxay noqon kartaa in isticmaalkooda baraha bulshada oo bata uu ku dhaliyo inay dareemaan in lagu cidleeyay dunida".
Aragtida lagu xusay qoraalka waxaa ka mid ah, inta uu qofku waqti badan ku bixiyo baraha bulshada in la mid ah inuu ka sii fogaanayo bulshada iyo dunida dhabta ah.
Isticmaalka wuxuu sidoo kale qofka ku dhalinkaraa inuu dadka ka dhex baxo, oo ka dhalata daawashada sawirada asxaabtaada oo munaasabad aan lagugu casuumin ku damaashaadaya.
Kooxda cilmi baarista sameysay waxay wareysteen 2,000 oo qof oo da'dooda u dhexeyso 19 illaaa 32 sano.
Prof. Brian Primack, oo ka tirsan jaamacadda Pittsburgh qeybteeda caafimaaadka, wuxuu sheegay: "Tan waa arrin muhiim ah oo u baahan in la fahmo, sababtoo ah dhibaaatooyiinka caafimaadka iyo ka go'idda bulshada waa cudur ku faafaya dhallinyarada".
"Waxaa sida caadiga ah naloo uumay inuu bulshada ku dhex jirno, laakiin nolosha casriga ah waxay taasi bedelkeeda nagu dhalineysaa inaan kala fogaano", ayuu hadalkiisa raaciyay.
"Waxay u muuqan kartaa in baraha bulshada ay fursado badan keeneen, balse waxay ila tahay in cilmi baarista cusub ay muujineyso in aysan xal u noqon karin waxa dadku ay rajeynayaan".

MUXUU KA YIRI MUUSE BIIXI MUDO KORDHINTII DAWLADA SIILAANYO


Image may contain: 1 person




Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlibiyad ah ku ogolaaday in markale mudada loo kordhiyo xukuumadda iyo golayaasha.
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa loogu daray sagaal bilood oo dheeraad ah.
Xilkooda ayaa ku ek 28-ka bisha April ee sanadkan 2017-ka, balse waxay xilka baneyn doonaan 13-ka December.
Sidoo kale waxa mudo kordhin loo sameeyey iyaguna golayaasha degaanada iyo kuwa wakiilada.

XOG HAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY OO MUQDISHO KASOO DEGAY

Xoghayaha guud ee UN oo Soomaaliya ku sugan
Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres ayaa Soomaaliya ku tagay safar aan horey loo shaacin oo lagu tilmaamay mid degdeg ah oo wax looga qabanayo abaaraha.
Booqashada oo hal maalin ah wuxuu diiradda ku saaridoonaa inuu caalamka u soo jeediyo sidii loogu gurman lahaa malaayiin qof oo qarka u saaran inay macaluul ku dhufato oo ku nool Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
"Hadda ayaan Soomaaliya ku gaaray booqasho degdeg ah si aan diiradda u saaro gaajada iyo daacuunka. Dad badan ayaa dhimanaya. " ayuu bartiisa ku qoray Guterres.
Wuxuu intaa raaciyay "Waa in dunida ay si degdeg ah uga jawaabtaa xaaladda".
Booqashadiisa waxay imaaneysaa xilli dowladda Soomaaliya ay dhowaan sheegtay in 48-saacadood gudahood ay 110 qof ay u dhinteen cudurro ka dhashay abaaraha.
UN waxay ka digtay in macaluul ay ka dillaacdo Soomaaliya, Yaman iyo Nigeria ka dib markii xaalad halis ah oo macaluul ah looga dhawaaqay Suudaanta Koonfureed, bishii la soo dhaafay.
Qaramada Midoobeey ayaa sidoo kale codsatay in 4 bilyan oo dollay oo loogu gurmado dalalkaasi afarta ah ee abaaraha ay sida xun u saameeyeen.
Hay'adaha gargaarka waxay qiyaasayaan in 5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin in si degdeg ah cunto loo gaarsiiyo.
Hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha Soomaaliya ka howlgala waxay ka digayaan macaluul la mid ah middii 2011-kii.
Waxay sheegeen in qiyaastii seddax milyan oo qof ay ku nool yihiin cunto la'aan daran.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaantan shaaciyay inay musiibo qaran jirto, wuxuuna ku baaqay gurmad degdeg ah.
Macaluushii 2011-kii waxaa la sheegay inay u dhinteen 260 kun oo qof. Middii ka sii horeysay ee 1992-dii waxaa u dhintay 220 kun oo qof, sida ay hay'adaha Qaramada Midoobeey sheegeen.