
Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres ayaa Soomaaliya ku tagay safar aan horey loo shaacin oo lagu tilmaamay mid degdeg ah oo wax looga qabanayo abaaraha.
Booqashada oo hal maalin ah wuxuu diiradda ku saaridoonaa inuu caalamka u soo jeediyo sidii loogu gurman lahaa malaayiin qof oo qarka u saaran inay macaluul ku dhufato oo ku nool Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
"Hadda ayaan Soomaaliya ku gaaray booqasho degdeg ah si aan diiradda u saaro gaajada iyo daacuunka. Dad badan ayaa dhimanaya. " ayuu bartiisa ku qoray Guterres.
Wuxuu intaa raaciyay "Waa in dunida ay si degdeg ah uga jawaabtaa xaaladda".
Booqashadiisa waxay imaaneysaa xilli dowladda Soomaaliya ay dhowaan sheegtay in 48-saacadood gudahood ay 110 qof ay u dhinteen cudurro ka dhashay abaaraha.
UN waxay ka digtay in macaluul ay ka dillaacdo Soomaaliya, Yaman iyo Nigeria ka dib markii xaalad halis ah oo macaluul ah looga dhawaaqay Suudaanta Koonfureed, bishii la soo dhaafay.
Qaramada Midoobeey ayaa sidoo kale codsatay in 4 bilyan oo dollay oo loogu gurmado dalalkaasi afarta ah ee abaaraha ay sida xun u saameeyeen.
Hay'adaha gargaarka waxay qiyaasayaan in 5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin in si degdeg ah cunto loo gaarsiiyo.
Hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha Soomaaliya ka howlgala waxay ka digayaan macaluul la mid ah middii 2011-kii.
Waxay sheegeen in qiyaastii seddax milyan oo qof ay ku nool yihiin cunto la'aan daran.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaantan shaaciyay inay musiibo qaran jirto, wuxuuna ku baaqay gurmad degdeg ah.
Macaluushii 2011-kii waxaa la sheegay inay u dhinteen 260 kun oo qof. Middii ka sii horeysay ee 1992-dii waxaa u dhintay 220 kun oo qof, sida ay hay'adaha Qaramada Midoobeey sheegeen.
No comments:
Post a Comment